Moqdisho- 23-Nov-2022. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay daahfurka Mashruuca xoojinta u adkeysiga iyo kasoo kabashada dhibaatooyinka ee (IRiS)
Mashruucaan oo ay si wadajir ah u daahfureen Ra’iisul Waaaare Ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac,Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Lary Andre, iyo danjiraha Dowlada ingiriiska ufadhiya soomaaliya ayaa socon doona
Muddo ku siman 5 sanno, kaas oo taageeri doona hormarinta nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka, islamarkaana lagu hormariyo kobaca dhaqaalaha bulshadada Soomaaliyeed ee danyarta ah.
Mashruuca waxaa maalgeliyay Hayadaha kala ah USAID iyo UK AID, waxuuna wax ka tarayaa soo kabashada waxsoo saarka xoolaha, beeraha iyo kaluumeysiga
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,
MOFLR Media Office
Email: media@molfr.gov.so
web: https://www.molfr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS
Twitter: https://twitter.com/cm