Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eeley ayaa maanta ku wareejiyey $5500 iyo 5 neef geel ah Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eeley ayaa maanta ku wareejiyey $5500 oo dollar iyo 5 neef geel ah Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed, si ay qeyb uga noqoto gurmadka looga jawaabayo saameynta qaraxyadii Zoobe2.

Deeqdan oo ay iska-aruuriyeen maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa loogu talo galay in garab istaag loogu muujiyo dadkii waxyeelada kasoo gaartey qaraxyadii Zoobe2.

Wasiir Hassan Hussein Mohamed Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo goobta ka hadley ayaa sheegey inay ka go’antahay xoojinta dadaallada Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ugu gurmanayaan dadkii dhibaatada kasoo gaartey qaraxyadii dhacay sabtidii lasoo dhaafey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department