Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha guud iyo waaxyaha kala duwan ayaa maanta isugu yimid Kulan looga arrinsanayey gurmadka dadkii waxyeelada kasoo gaartey Qaraxii Zoobe 2

Moqdisho- 1-Nov-2022 – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha guud iyo waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaradda ayaa maanta xarunta Wasaaradda isugu yimid Kulan looga arrinsanayey gurmadka dadkii waxyeelada kasoo gaartey Qaraxii Zoobe 2 iyo in lala dagaalamo Khawaariijta oo gacmaha la’isku laaban.

Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eeley Wasiirka Xanaanada Xoolaha DFS oo isu imaatinkan ka hadley ayaa sheegey in Khawaarijta Markii laga adkaaday, furimaha ayey kasoo laabteen si ay u laayaan dadka birimageedada ah ee aan waxba galabsan, marka waa inaan gacmaha is qabsana si aan usoo afjarno”

#DANQARAN

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,

MOFLR Media Office

Email: media@molfr.gov.so

web: https://www.molfr.gov.so/

Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS

Twitter: https://twitter.com/cmol

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department