Muqdisho -03-Jan-2023.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta dhagax dhigey Xafiisyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay ku yeelan doonto dekeda Muqdisho.
Wasiirka oo ay wehlinayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda,Wasiiru dowlaha, ayaa dhagax dhigey xarumaha Wasaaradda ee Dekadda Muqdisho oo ka kooban sheybaarka Xoolaha, shahaado bixinta, xafiisyada Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo ee Dekadda.
Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekedda Muqdisho ayuu Wasiir Eelay sheegay in ay ka go’an tahay in la dardargeliyo habsami usocodka shaqo ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo lafdhabar u ah hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
DHAMMAAD.