Daahfurka Barnaamijka Cagaareynta Soomaaliya qeybtiisa Baydhabo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa galabta si rasmi ah Baydhabo uga daahfurey Barnaamijka Cagaareynta oo muddooyinkii u dambeeyey ka socdey Magaalooyinka Dalka.
Munasaabada daahfurka Mashruucaan waxaa sidoo kale goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Xananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eelay, oo Wasaaradda uu Wasiirka ka yahay waday muddooyinkii udambeeyey fulinta halku dhigii horey usameeyey Madaxweynaha jamhuuriyadda ee ahaa in la helo soomaaliya oo cagaaran.
Inta munaasabad ay socotey sidoo kale waxaa daahfurka Mashruucaan goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS, Madaxweynaha DGKGS iyo Madaxweynihii hore ee KGS iyo marti sharaf kale.