Moqdisho- 16-Oct-2022 – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya Md.Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre.
Kulanka Wasiirka iyo Safiirka ayaa looga hadlay sidii Dowlada Mareykanka Soomaaliya uga gacansiin laheyd xoojinta wax soosaar ee Xoolaha Soomaaliya, daryeelka xoola dhaqatada, balaarinta suuqa ganacsi ee Xoolaha iyo Caafimaadkooda.
ugu dambeyn Wasiir Hassan ayaa Safiir Larry iyo Dowladiisa Maraykanka uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,
MOFLR Media Office
Email: media@molfr.gov.so
web: https://www.molfr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS
Twitter: https://twitter.com/cmol