Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS Mudane Xasan Xuseen (Eelay) ayaa maanta kulan la qaatey safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 12, Oct, 2022.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta kulan la qaatey safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Kulankan ayey Wasiirka iyo Safiirka uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada Dal ee arrimaha Xoolaha iyo tayeyntooda, gaar ahaan dhoofinta Xoolaha Nool iyo Hilibkooda iyo sidii suuq geyn loogu sameyn lahaa Xoolaha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,

MOFLR Media Office

Email: media@molfr.gov.so

web: https://www.molfr.gov.so/

Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS

Twitter: https://twitter.com/cmol

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department