Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa shir guddoomiyey shirka guddiga Mashruuca RAAISE qeybtiisa Horumarinta Xoolaha

Moqdisho- 17-Oct-2022 – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa shir guddoomiyey shirka guddiga Mashruuca RAAISE qeybtiisa Horumarinta Xoolaha, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa ee Dowlad Goboleedyada, Xubno ka Socday Midowga Yurub iyo Hay,adda FAO Somalia .

Inta uu shirka socday ayaa looga hadlay horumarada laga sameeyay fulinta mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa habsami u socodka mashrucani.

Ugu dambeyntii waxaa shirka soo gabagbeeyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay

#DANQARAN

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,

MOFLR Media Office

Email: media@molfr.gov.so

web: https://www.molfr.gov.so/

Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS

Twitter: https://twitter.com/cmol

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department