Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS oo booqasho ku tagay machadka Caalamiga ah cilmi-baarista xoolaha ee ILRI ee ku yaala Magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS oo maalmihii lasoo dhaafey howlo Shaqo ujooga Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa booqasho ku tagay machadka Caalamiga ah cilmi-baarista xoolaha ee #ILRI ee ku yaala Magaalada Nairobi.

Wasiirka iyo xubnaha la socdey ayaa sidoo kale duleedka Magaalada Nairobi tagay halkaas oo xarunta #ILRI Laan 2aad ayku leeyahay.

Masuulyiinta xarunta Macadka cilmi baarista xoolaha ee caalamiga ah ee IRLI ayaa Wasiirka uga warbixiyey sida ay xaruntan ay ushaqeyso, waxa uu booqdey qeybaha kala duwan ee xaruntan ka kooban tahay waxa uuna warbixino kala duwan ka dhageystey Madaxda Xaruntan oo uga warbixiyey cilmi baaris ay ka sameeyeen wadamo kuyaal geeska Afrika.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department