Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa DFS Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eeley) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qayb galay Munaasabad lagu daah furayay Mashruuc lagu magacaabo #DRIVE

Muqdisho, 31, Aug, 2022: Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa DFS Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eeley) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka kaga qayb galay Munaasabad lagu daah furayay Mashruuc lagu magacaabo #DRIVE oo uu Bangiga Adduunka ugu deeqay soomaaliya.

Mashruuca (drive) ayaa loogu talogalay yaraynta halista ka dhalata abaaraha, fulintiisana waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Mashruuca ayaa waxa uu xooladhaqatada Soomaaliyeed ka caawin doonaa in xoolahooda ay u helaan caymis ay kaga badbaadiyaan xilliga abaaraha darani ay jiraan oo xoolo badan ay ku le’daan, sidoo kale mashruuca ayaa fududayn doona dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee xoolaha geeska Afrika iyo tayaynta caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo dalka.

Daahfurka mashruuca waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, ururrada ka shaqeeya xannaanada xoolaha, shirkadaha caymiska, bangiyada ganacsiga, haweenka ganacsatada ah, hay’adaha caalamiga iyo bulshada rayidka.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,

MOFLR Media Office

Email: media@molfr.gov.so

web: https://www.molfr.gov.so/

Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS

Twitter: https://twitter.com/cmolfr

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department