Munaasabad lagu soo dhoweynayey Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS Hasan Hussein Mohamed Eeley ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Muqdisho

Muqdisho, 03, Sep, 2022: Munaasabad lagu soo dhoweynayey Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS Hasan Hussein Mohamed Eeley ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Munasaadan oo ay soo qaban qaabiyeen ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha Dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS, Xildhibaano katirsan BJFS iyo howlwadeenada Wasaaradda.

qaar kamid ah dhaqaatiirta ururada Xanaanada oo ka hadley munaasabada ayaa soo dhoweeyey Wasiir, iyagoo sheegey in diyaar ay uyihiin in wadashaqeyn dhow ay la yeeshaan.

Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed Eeley oo gabagabadii Munaasada ka hadley ayaa ka mahad celiyey soo dhoweyntan balaaran ee loo sameeyey waxa uu sheegey inuu laba jibaari doono wadashaqeynta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Oo ay ku jiraan Ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha iyo dhaqaatiirta.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,

MOFLR Media Office

Email: media@molfr.gov.so

web: https://www.molfr.gov.so/

Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS

Twitter: https://twitter.com/cmolfr

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department