Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen (Eelay) ayaa Muqdisho kaga qeyb galay daahfurka Mashruuca Barwaaqo oo uu maanta furey Ra’iisal Wasaaraha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa Muqdisho kaga qeyb galay daahfurka Mashruuca Barwaaqo oo uu maanta furey Ra’iisal Wasaaraha Dalka.

Mashruucan oo ay ku kacayso Malaayiin dollar, ayaa socon doona muddo sanooyin ah, waxa uu xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga iyo Xoolaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Hamza Abdi Barre oo khudbad ka jeediyey daahfurka Mashruucaan ayaa ku tilmaamay Mashruucaan fursad aaan uga faaiideyn karno dadkeena iyo xoolaheena si aanay biyo la’aan ugu dhicin, maadaama buu yiri la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaar garoobo.

1 Comment