Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, oo kaashanaysa Mashruuca Regional Livestock Programme, oo Mercy Corps Hirgelinayso ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlayay dib-u-eegista iyo xaqiijinta qiimaynta siyaasadda xoolaha.
Barnaamijkani wuxuu diiradda saarayaa hegaajinta sharciyada xoolaha dhanka caafimaadka,Wax-Soo saarka,Ganacsiga,Sugnaanta cuntada, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta wax-soo-saarka xoolaha iyo nidaamyada suuqyada xoolaha.
Kulanka waxaa ka qeyb galay, agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Wax-soo-saarka, Agaasimaha maamulka&Maaliyada, Agaasimaha Shaqaalaha iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda, dhakhaatiirta xoolaha iyo marti sharaf kale.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno looga hadlayay sidii kor loogu qaadi xoolaha Soomaaliya, loona horumarin lahaa wax-soo-saarka iyo suuq-geynta xoolaha nool.
Ugu horreyn, waxaa shirka ka hadlay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Wax-soo-saarka ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dr. Aadan Xuseen Deerow, oo sheegay in xooluhu yihiin xudunta dhaqaalaha,Shaqo abuurka wax-soo-saarka, sidoo kale Dr.Deerow ayaa sheegay in hegaajinta siyaasada Xoolaha qayb wayn ka qaadanayso kor uqaadista tayada,badqabka wax soo saarka Xoolaha.
Sidoo kale, Agaasimaha Heer Gobol ee Barnaamijka Xoolaha ee Hay’adda Mercy Corps,Dr. Diba Dida Wako, ayaa ka hadlay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay horumarinta siyaasadda xoolaha iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ay khusayso.
Ugu dambeyn, waxaa shirka ka hadlay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, C/ Shakuur Cali Cilmi, oo sheegay in wasaaraddu laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waaxda xoolaha oo door muhiim ah ku leh dhaqaalaha Soomaaliya.
DHAMAAD

















