๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ก๐, ๐๐ก๐ข๐ซ๐ญ๐ & ๐๐๐๐ช๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ฅ๐-๐ฑ๐ข๐ฌ๐๐๐๐ญ๐๐ง๐ค๐ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ก
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ayaa ka mid noqotay Wasaaradihii kaalmaha hore ka galay natiijada la-xisaabtanka, iyadoo lagu abaalmariyey waxqabadkeeda iyo dadaalka ay ku bixisay hirgelinta qorshayaashii ay gudbisay.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka, hoggaanka iyo shaqada wadajirka ah ee dhammaan howlwadeennada Wasaaradda, iyo sida ay uga goโan tahay gudashada waajibaadka Qaranka, dardargelinta howlaha horumarineed iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.



