Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Hussein Mohamed Eeley, ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta la yeeshay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo laga duulayo hiigsiyada horumarineed ee Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP).
Kulanka oo saldhig u ahaa ka dhabeynta qorshayaasha dhaqaalaha wax-soosaarka kheyraadka xoolaha ee ku asteysan Qorshaha isbedelka Qaran, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo Hay’adda UNDP Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga farsamo, horumarinta sektorka xoolaha iyo taageeridda wax-soo-saarka xoolaha.




