Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo kaalmaha hore ka gashay qiimeynta wasaaradaha xukuumada federaalka soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), ayaa maanta ka qeyb galay kulanka la-xisaabtanka iyo qiimeynta waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Kulankan oo lagu qiimeynayay waxqabadka Wasaaradaha, ayaa lagu eegayay heerka laga gaaray qorshayaashii iyo ballanqaadyadii ay Wasaaraduhu horey u dejisteen una saxiixeen.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa ka mid noqotay Wasaaradaha kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta, taas oo ka tarjumaysa dadaalka, hufnaanta, qorsheynta iyo waxqabadka wanaagsan ee Wasaaraddu ku tallaabsatay.
Guushaan waxay markhaati u tahay shaqada adag ee uu hoggaanka Wasaaradda uu hogaaminaayo Wasiirka uu ku bixiyey gudashada waajibaadka qaran iyo hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department