Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Guled Abdijalil, oo Muqdisho ka daah-furay tababar ku saabsan Caymiska Islaamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Guled Abdijalil, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay tababar ku saabsan Caymiska Islaamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha.
Tababarkan ayaa looga gol leeyahay in kor loo qaado fahamka ku saabsan nidaamka caymiska xoolaha ee waafaqsan shareecada Islaamka, kaas oo gacan ka geysan kara ilaalinta hantida xoolo-dhaqatada iyo yaraynta khasaaraha dhaqaale ee ka dhasha cudurrada iyo xaaladaha kale ee caafimaad ee saameeya xoolaha.
Inta uu socdo tababarku, ka qaybgalayaasha waxaa lagu barayaa mabaadi’da caymiska Islaamiga ah ama Takaful-ka, habka wadaagga khatarta, qiimeynta caafimaadka xoolaha iyo nidaamka loo maro bixinta magdhowga marka ay dhacaan khasaarooyin waafaqsan shuruudaha caymiska.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department