Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Elay oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda iyo agaasimihii hore

Wasiirka Wasaaradda, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa Maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimaha guud ee cusub ee dhawaan lasoo magacaabay, Dr. Guuleed Cabdijaliil iyo Agaasimihii hore, Dr. Maxamed Saneey Dalmar.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Agasime waaxeedyada iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn, Agaasimihii guud ee xilka wareejinayay Dr. Maxamed Saneey Dalmar ayaa ka hadlay waxyaabiihii u qabsoomay mudadii koobneed ee uu xafiiska joogay

Dhanka kale Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa ballan qaaday inuu sii xoojin doono shaqooyinka hortabinta u leh wasaaradda oo kamida ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Aadan Maxamed Cali, iyo wasiiru dowlaha Wasaaradda
Dr Suleymaan Cali Xuseen oo munaasabada kalmado kooban ka jeediyay ayaa sagootiyeen agaasimihii hore islamarkaana ay soo dhaweynayeen Agaasimaha cusub kana rajeenaayan shaqo hufan.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, oo gunaanadkii soo xiray munaasabadda ayaa Agaasimihii hore ku ammaanay kaalintii uu ka qaatay horumarinta wasaaradda. wuxuuna dhinaca kale agaasimaha guud ee cusub ushegay inuu kaalintiina dhaqtarnimo ka qaato oo xoolaha daaweyntooda gaarsiiyo ilaa iyo heer tuo , ugu dambeyna ubalan qaaday inu kala shaqeyn doono shaqada qaran ee loo idmaday.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department