Xaflad qayb ka ah xuska todobaadka dhirbeerista qaranka ayaa maanta lagu qabtay xafiiska guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS. Xaflada waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimaha guud, agaasime waaxeedyada, shaqaalaha iyo marti sharaf kale.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda, Aadan Maxamed Ali, oo shirka si rasmi ah u furay ayaa sheegay in dhirtu laf-dhabar u tahay nolosha dadka, duunyada iyo deegaanka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay si laba jibaaran dib u dhiraynta dalka si loo gaaro yoolka Xukuumadda Dan-Qaran ee Soomaaliya Cagaaran.
Dr. Xaashi Cismaan, Agaasimaha Waaxda Dhirta, aya isna dhankiisa ka hadlay waxqabadka wasaaradda gaar ahaan guulaha laga gaaray dib u dhiraynta, ka hortagga xaalufinta iyo dhuxulaysiga. Dr Xaashi ayaa sidoo kale ka sheekeyay taariikhda dhirbeerista qaranka iyo hindiseyaasha ay Wasaaradda hormuudka ka tahay ee la rabo in lagu gaaro hiigsiga Soomaaliya cagaaran.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Guled Abdijalil oo soo xiray xafladda ayaa ku baaqay in la joogteeyo ololaha dhir-beerista si loo xoojiyo u adkaysiga isbedelka cimilada iyo caqabadaha kale ee ka dhashay sida abaaraha soo noqnoqday.













