Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Jaamacadda Banaadir, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Jaamacadda, Maxamed Maxamuud Bidey, iyo hormuudka Kulliyadda Xannaanada Xoolaha.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Jaamacadda ee dhinaca Xannaanada Xoolaha.
Wasiirka ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha Jaamacadda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado lana dhiirrigeliyo ardayda Soomaaliyeed, si ay uga faa’iideystaan barashada culuumta Xannaanada Xoolaha.
Guddoomiyaha Jaamacadda, Maxamed Maxamuud Bidey, ayaa Wasiir Xasan Eelaay ka codsaday in Wasaaraddu gacan ka geysato wacyigelinta iyo sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay), ayaa sheegay in si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, ay muhiim tahay in jaamacadaha dalka ay kordhiyaan barashada iyo xirfadaha la xiriira sektor-ka Xannaanada Xoolaha.
Ugu dambeyn, madaxda Jaamacadda Banaadir ayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha guddoonsiiyay hadiyad sharafeed ay ku dhiirrigelinayaan Wasiirka.









