Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay shirka ansixinta Istaraatiijiyadda Dhoofka Xoolaha Soomaaliya

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay shirka ansixinta Istaraatiijiyadda Dhoofka Xoolaha Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimayaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, wakiillo ka socda maamullada dowlad-goboleedyada, dhakhaatiirta xoolaha, khubaro ka socota hay’adda FAO, iyo marti sharaf kale ayaa waxaa si wada jir uso agaasimay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo kaashanaysa hay’adda FAO ayaa Inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigay talooyin, soo jeedino iyo dooddo la xiriira sidii loo horumarin lahaa dhoofka xoolaha Soomaaliya, loona xoojin lahaa fursadaha suuqyada caalamiga ah.

Khabiirka Guud ee Caafimaadka iyo Xannaanada Xoolaha ee hay’adda FAO, Dr. Ismaaciil Cabdi Cabdille, ayaa isaguna qeyb ka ahaa shirka, oo diiradda lagu saarayo sidii loo heli lahaa hannaan istaraatiiji ah oo kor loogu qaadayo tayada, caafimaadka iyo tartanka xoolaha Soomaaliyeed ee suuqyada caalamka.

Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Cabdishakuur Cali Cilmi, oo shirka furay, ayaa sheegay in ansixinta istaraatiijiyaddan ay muhiim u tahay wax ka qabashada caqabadihii hore u saameeyay dhoofka xoolaha Soomaaliya, isagoo xusay in ansixinta istaraatiijiyaddan ay wax weyn ka tari karto horumarinta wax-soo-saarka iyo ballaarinta suuqyada xoolaha dalka.

Isku so wada duub Istaraatiijiyaddan ayaa la filayaa inay gacan ka geysato horumarinta nidaamka dhoofka xoolaha, xoojinta adeegyada caafimaadka xoolaha, iyo sare u qaadista kaalinta ay xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha dalka iyo nolol-maalmeedka bulshada Soomaaliyeed.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department