Muqdisho, July 7, 2026 – Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay shir lagu ansixinayay warbixin ku saabsan Qiimaynta Maxjarada Xoolaha, Qorshaha Horumarinta iyo Hannaanka Iskaashiga.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Cilmi-baarista Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada xanaanada xoolaha iyo doorka ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, khubaro iyo qaybaha kala duwan ee ay khuseyso caafimaadka xoolaha, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo casriyeyn lahaa maxjarada xoolaha, kor loogu qaadi lahaa tayada hilibka iyo xoolaha nool ee dalka laga dhoofiyo, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha ay khusayso.


















