Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta dhagax-dhigay dib-u-dhiska xaruntii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dib-u-dhiska xaruntii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyo sidoo kale dhismaha cusub ee Xarunta Cilmi-baarista Xoolaha ee isla wasaaradda.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), Agaasimaha Guud Iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Iyo Marti Sharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xarumahan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta, tayeynta iyo kordhinta wax-soo-saarka xoolaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Waxa uu xusay in horumarinta xoolaha ay si toos ah u saameyn doonto koboca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in cilmi-baaristu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu horumarin karo wax-soo-saarka xoolaha, isaga oo xusay in la hirgelinayo hannaan casri ah oo lagu kobcinayo aqoonta iyo farsamooyinka la xiriira xanaanada xoolaha.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid muhiim u ah dib-u-habaynta iyo horumarinta adeegyada wasaaradda. Waxa uu xusay in xarunta cilmi-baarista xoolaha ay kaalin weyn ka qaadan doonto kor u qaadidda tayada xoolaha Soomaaliyeed iyo la tacaalidda caqabadaha haysta xoolo-dhaqatada.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in wasaaraddu ay ka go’an tahay hirgelinta qorshayaal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo wax-soo-saarka xoolaha, isla markaana lagu xoojinayo doorka ay xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha dalka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mashruucan lagu dhammaystiri doono muddo dhow, isla markaana uu noqon doono mid wax ku ool ah oo wax weyn ka tari doona horumarka dalka.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department