Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dr Guleed Cabdijaliil oo Guddoomiyey Shirkii Ugu Horreeyey ee Guddiga Farsamada Mashruuca ACALs
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Dr. Guuleed Cabdijaliil Cali, ayaa guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Guddiga Farsamada Mashruuca Activating Climate-Resilient Agricultural Livelihoods in Somalia (ACALs).
Shirka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo sidoo kale wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee WFP iyo UNOPS.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay dhismaha guddiga farsamada, qorshaha hawleedka mashruuca, iyo habraacyada fulinta mashruuca. Doodaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa adkeysiga bulshada xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed ee dhinaca saamaynta isbeddelka cimilada, iyadoo la horumarinayo tiknoolajiyada iyo hababka wax-soo-saarka ee u adkaysan kara xaaladaha cimilada isbeddelaysa.
Sidoo kale, xubnaha guddigu waxay is dhaafsadeen fikrado iyo talooyin muhiim ah oo door weyn ka qaadan doona horumarinta hab-nololeedka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Puntland, halkaas oo mashruuca ACALs laga hirgelin doono.
Ugu dambayn, shirku wuxuu ku soo dhammaaday jawi isfaham, wada-shaqayn iyo rajo wanaagsan leh, iyadoo la isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca si loo gaaro yoolalka loogu talagalay kor u qaadista adkeysiga bulshada iyo horumarinta hab-nololeedyada ku tiirsan xoolaha iyo beeraha.



















