Wasiir Dr Suleyban Cali oo ku guda jira howlo maalmeedkiisa shaqo ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo Daaqa ayaa booqashadiisa ku bilaabay Xarunta dhexe ee IBS Bank halkaasi oo kulan miro dhal ah kula qaatay Gudoomiye ku xigeenka Bankiga Mudane Cabdirisaaq Warsame iyagoona ka wada hadlay sidii lo dardar gelin lahaa Mashruuca Kobciye ee dhalinyarada loogaga faaideyn lahaa maali gelinta Xanaanada Xoolaha gaar ahaan Digaaga.
Kulanka kadib Wasiiru dowlaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa mudane Dr Suleyban Cali oo wehliya Gudoomiyaha ku xigeenka Bankiga IBS ayaa booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay Hornfresh Poultry and Egg farm taasoo ah xarun casri ah oo lagu xanaaneeyo digaaga laguna soo saaro ukumo tayo leh.
Hornfesh poultry and egg farm ayaa noqoneeso mashruuca koobaad ee lagu maalgeliyay Mashruuca KOBCIYE ee dhawaan wasiiru dowlaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa mudane Dr Suleyban ka daahfuray magaalada Muqdishu iyadoona ay maalgelineeso IBS Bank.
Isku soo wada duuboo, Wasaaraada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo ka duuleysa fulinta qorshaha xukuumada Dan Qaran gaar ahaan qeybta Xoolaha ee laf-dhabarta u ah dhaqaalaha Soomaaliya ayaa laba jibaartay dadaalada lagu taageerayo Xoolo dhaqatada oo dhiirrigelinaya kobaca ganacsiga xoolaha, tayeynta waxsoosaarka iyo ballaarinta fursadaha dhaqaale iyadoona Barnaamijkan si wada jir ah iskaga kaashaday IBS Bank, Mercy Corps iyo SIDA







