Wasiir Suleyban Cali Wasiiru dowlaha Wasaarada oo ka qeyb galay Munaasabada daah furka mashruuca KOBCIYE ayaa xariga ka jaray Mashruucaan iyadoona KOBCIYE– Livestock Financing & Investment Program loogu talagalay horumarinta iyo maalgelinta silsiladda waxsoosaarka xoolaha ee Soomaaliya, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ku tiirsan xoolaha.
Barnaamijkan wuxuu fududeynayaa helitaanka adeegyo maaliyadeed iyo maalgelin loo qorsheeyay xoolo-dhaqatada, ganacsatada xoolaha, SMEs iyo gaadiidleyda ka shaqeeya qeybta xoolaha, isagoo dhiirrigelinaya kobaca ganacsiga, tayeynta waxsoosaarka iyo ballaarinta fursadaha dhaqaale.
KOBCIYE wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa:
✅Horumarinta waxsoosaarka xoolaha
✅Xoojinta ganacsiyada la xiriira xoolaha
✅Abuurista fursado shaqo iyo maalgashi
✅Sare u qaadista helitaanka adeegyada maaliyadeed
✅Xoojinta kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta nolosha bulshada
Wasaaraada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo ka duuleysay fulinta qorshaha xukuumada dan qaran gaar ahaan qeybta Xoolaha ee laf-dhabarta u ah dhaqaalaha Soomaaliya ayaa laba jibaartay dadaallada lagu taageerayo Xoolo dhaqatada iyo dhiirrigelinaya kobaca ganacsiga xoolaha, tayeynta waxsoosaarka iyo ballaarinta fursadaha dhaqaale iyadoona Barnaamijkan si wada jir ah iskaga kaashaday IBS Bank, Mercy Corps iyo SIDA.











