Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ayaa maanta qabatey shirka ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Quudka Xoolaha

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ayaa maanta qabatey shirka ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Quudka Xoolaha iyadoo kaashaneysa Hay’adda FAO.
Shirkan muhiimka ah waxaa kasoo qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, iyo Galmudug, sidoo kale Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo wakiillo ka tirsan qeybta gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya horumarinta sektor-kan.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay muhiimadda ay Siyaasaddan Qaranka u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xoolo-dhaqatada, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka. Waxaa diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa helitaanka quud tayo leh, kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka xoolaha, isla markaana loo dardargelin lahaa horumar waara oo sektor-ka xoolaha.
Wasaaradda waxaa ka go’an hirgelinta siyaasaddan si loo xaqiijiyo badbaadada quudka xoolaha, loona taageero nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department