Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Ansixinta Sharciga Kaymaha.
Aqoon-is-weydaarsigan oo sedax maalmood soconaya ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Dr. Maxamed Saneey Dalmar.
Waxaa ka soo qayb galay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Jubbaland, koonfur-galbeed iyo Waqooyi bari iyo khubaro dhanka sharciga ah, ururrada bulshada rayidka iyo wakiillo ka socday hay’adda FAO, iyo marti sharaf kale.
Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa isku raacay in baahi wayn looqabo ansixinta sharciga kaymaha, waxa ayna madasha shirka ka qireen muhiimadda sharcigan uu u leeyahay dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Mudane Maxamed Saney Dalmar oo furay kulanka aqoon is-waydaarsiga ansixinta sharciga Kaymaha ayaa bogaadiyey shirka, waxa uuna sheegay in xilli loobaahnaa ay ku soo aaday ansixinta sharciga kaymaha, hadii la ansixiyo sharcigan uu wax wayn ka badali dooono abaaraha soonoq-noqda ee dalka ka dhaca, Waxa uu Agaasime Dalmar u mahadceliyey kasoo qayb galayaasha kulanka.









