Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa maanta guddoomiyay shir wadatashi ah oo looga arrinsanayay sidii loo dardargelin lahaa maalgashiga waxsoosaarka caanaha, calafka iyo quudka xoolaha.
Shirka oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Saney Dalmar, Mudane Etienne Peterschmitt, Agaasimaha Xafiiska FAO ee Soomaaliya, agasimeyaasha waaxyaha wasaaradda, wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, ganacsiyada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku hawlan waxsoosaarka caanaha iyo calafka.
Wasiir Xasan ayaa furitaanka shirka ka sheegay in isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday ay si weyn u saameyeen helitaanka quudka xoolaha iyo waxsoosaarka caanaha. Wuxuu si gaar ah u xusay in haweenka Soomaaliyeed, oo laf-dhabar u ah sektarka caanaha, ay had iyo jeer la kulmaan caqabado iyo khasaare ka dhasha maalgelin la’aanta baahsan iyo kaabayaasha waxsoosaarka oo liita. Wasiirku wuxuu caddeeyay in Wasaaraddu ay mudnaan siin doonto taageeridda haweenka ganacsatada ah, gaar ahaan helitaanka maalgelin fudud, qalabka qaboojinta iyo kaydinta caanaha iyo suuq-gayn.
Shirkan waxaa lagu diyaarinayaa dariiqooyin maalgelineed oo mideeya dowladda, saaxiibada horumarineed sida FAO, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo xoojiyo sektarka caanaha iyo calafka, loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.

















