Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Maxamed Saney Dalmar, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi socday afar maalmood oo loo qabtay saraakiisha caafimaadka xoolaha ee ka hawlgala dekedaha iyo xuduudaha. Tababarkan waxaa ka qayb galay 30 sarkaal oo ka kala socday waaxyaha iyo hay’adaha ku lug leh caafimaadka, ganacsiga, iyo nidaaminta dhoofka xoolaha.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay isbeddelada socda ee lagu xoojinayo nidaamyada kormeerka caafimaadka xoolaha, maamulka iyo maaraynta xogta, iyo waafaqsanaanta xeerarka iyo halbeegyada dhoofka iyo waxsoosaarka xoolaha.
Tababarkan wuxuu daba socdaa fogaan-dersi horey loo siiyay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, waxaana sidoo kale la gaarsiin doonaa dhammaan dowlad-goboleedyada.
Tababarka wuxuu diiradda saarayaa hubinta iyo kormeerka caafimaadka xoolaha, maaraynta xogta xoolaha, iyo waafaqsanaanta xeerarka iyo halbeegyada dhoofka xoolaha. Dadaalkan waxaa uu udub dhexaad u yahay horumarinta nidaamyada lagu ilaalinayo caafimaadka xoolaha, hufnaanta ganacsiga, iyo kalsoonida suuqyada.










