Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Maxamed Saney Dalmar, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac ee lagu horumarinaayo isbeddelka nidaamyada cuntada ee Soomaaliya. Waxaa si gaar ah loogu gorfeeyey iswaafajinta barnaamijyada hay’adda FAO iyo hadafyada horutabinta u leh Wasaaradda, Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo xoojinta hannaanka Qaranka ee horumarka waara ee xoolaha, dhirta iyo dhul-daaqsimeedka.



