Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa ee JFS Mudane Hassan Hussein Mohamed oo dhigiisa aljeriya la saxiixday labo heshiis oo muhiim u ah dalka

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa ee JFS Mudane Hassan Hussein Mohamed ,oo qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ee booqashada rasmiga ah u jooga Wadanka Aljeeriya ayaa halkaas kula saxiixdey dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Horumarinta Reer miyiga iyo Kaluumeysiga Mudane Yaasiin Almahdi Waliid Heshiisyo iskaashi ee Dhanka dhoofka Xoolaha,Horumarinta Beeraha iyo Kaluumeysiga.
Heshiiskaan waa fursad weyn oo lagu hormarinayo suuqyada dhoofka xoolaha Soomaaliyeed, Horumarinta Beeraha iyo Kaluumeysiga isla markaana sare loogu qaadayo wax soo saarka dalka.
Madaxweyne JFS Dr. Hassan Sheikh Mohamud iyo dhigiisa Madaxweynaha Algeeriya Mudane Cabdulmajiid Tabuun ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiisyadaan.
Dhamaad
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department