Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa oo Wacdaro ka dhigtay Munaasabadda Bandhiga Waxqabadka Xukuumadda DanQaran 2022-2025

Munaasabadda Bandhiga Waxqabadka Xukuumadda DanQaran 2022-2025 ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho halkaasi oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaana booqasho ku tagay goobta ay wasaaradaha kuso bandhigaayeen waxqabadkooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku tagayWasaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta Iyo Daaqa ay kusoo bandhigtay waxqabadka saddex sanadlaha 2022 – 2025.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Hassan Hussein Mohamed (elay) ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha guulaha taariikhiga ee Wasaaraddu gaartay, sida: Caafimaadka iyo Ololaha Tallaalka Xoolaha, Dhoofka Xoolaha, Caymiska iyo Maalgelinta Xoolaha, Dhiraynta, Horumarinta Kaabayaasha, Shuruucda iyo Siyaasadaha, iyo Iskaashiga Caalamiga.
Wasiirka ayaa Madaxda uga warbixyay guulaha taarikhiga ah oo ay Wasaaraddu xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee lasoo dhaafay. Waxayna soo bandhigtay Wasaaradda waxqabaka iyo horumarka ay ka samaysay caafimaadka xoolaha, in ka badan 20.5 milyan xoolo ah ayaa la daweeyay lana tallaalay; Dhoofka Xoolaha, waxay Soomaaliya dhoofisay in ka badan 18.9 milyan neef, oo soo xareysay dakhli gaaraya ilaa USD 2.62 bilyan.
waxay wasaaradda daahfurtay barnaamijka caymiska iyo maalgelinta xoolaha; dhanka daaqa iyo dhiraynta; waxay Wasaaraddu qaybisay 153,000 kiilo, oo abuur daaq, waxaana la beerey in ka badan 100,000 geed; Kaabayaasha – Wasaaraddu waxay dhistay suuqyo, wadooyinka xoolaleyda 173 km, xarumaha farsamada iyo kaydinta calafka.
Wasiir Xasan Elaay ayaa daaha ka qaaday in wasaaradda gacanta ku hayso dhismaha dhawr nidaam oo dhijitaal ah;”Waxaan diyaarinay isla markaana ansixinnay shuruuc muhiim ah oo ay ku jiraan Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka”.
Guulahan iyo kuwo kale oo badan waxay marag ka yihiin sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in isbeddel muuqda iyo horumar la gaarsiiyo xoolaha, dhirta iyo dhul-daaqsimeedka Soomaaliyeed.
Madaxda qaranka ayaa bogaadiyey horumarka iyo dadaalka muuqda ee Wasaaradda, waxayna hoggaanka iyo shaqaalaha ku dhiirrigeliyeen in ay sii dardar-geliyaan hawlahan muhiimka ah si dhaxalkan hodanka ah ee xoolaha Soomaaliyeed ay weligood u ahaadaan astaan sharaf iyo barwaaqo.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department