Muqdisho, Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Hassan Hussein Mohamed ayaa ka qeyb-galay shir lagu daahfuray hannaanka la-xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay.
Madaxda kale ee wasaarada ee kala ah wasiiru dowlaha, wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud, ayaa wasiir Hassan kala qeyb-galay shirka.
Ujeedka shirka ayaa ah in sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.