Wasiir ku xigeenka Wasaaradda XXDh&D Mudane, Aadan Maxamad & Madaxda He’yadda FAO ee Somaaliya oo si wada jir ah xarig jaray 5 Xarumod keydka calafka

Dhusamareeb: Talaado 13 5, 2025
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda XXDh&D Mudane, Aadan Maxamad & Madaxda He’yadda FAO ee Somaaliya oo si wada jir ah xarig jaray 5 Xarumod keydka calafka
Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlada Faderalka Somaaliya Mudane, Aadan Maxamad Cali, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Galmudug Cabdullahi Cabdiraxmaan (Tootoole) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug Shariif Cabdinu Barre, Maamulka Degmada Dhusamareeb Madaxda He’yadda FAO ee Somaaliya iyo ma’suliyiin kale ayaa maanta Magaalada Dhusamareeb ka xarig jaray 5 Xarumod oo ah xarumaha keydka calafka oo laga hirgaliyay Degmoyin iyo Deegaano ka tirsan Dowlada Galmudug.
Xarig jarka kadib Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug Cabdullahi Cabdiraxmaan, ayaa shegay in mashrucan keydka Calafaka uu yahay kii ugu horeyay ee laga hergaliyo Galmudug, ayna bulshadu baahi weyn u qabeen loona bahanyahay in laga faa’iideysto maadama uu muhiim u yahay xoola dhaqatada, lana ilashado xarumaha danta guud ee waxtarka u leh Deegaanka.
Wasiir Cabdullahi Cabdiraxman ayaa uga mahadceliyay Madaxda He’yadda FAO Maamulka Degmada Dhusamareeb sida wanagsan oo ay ula shaqeyen Wasaaradda, isagona dhanka kale iskashatoyinka xoolo beeraleyda bulshada rayadka ee Caasimadda iyo ururada haweenka iyo bulshada qeybohooda kala duwan ku amanay sida ay maqatiga uga yihin xarumaha keydka calafka oo ay hirgaliyen Wasaaradda iyo He’adda oo is kashanaya.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department