Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daahfuray Barnaamijka Mustaqbalka Xoolo-raacatada Soomaaliyeed

Muqdisho, 15 Abriil 2025 –
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray barnaamijka “Mustaqbalka Xoolo-raacatada” – hindise qaran oo lagu xoojinaayo nolosha iyo dhaqaalaha xoolo-raacatada si loo gaaro horumar waara.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay barnaamijkani inuu yahay “waa cusub oo u baryay xoola-raacatada Soomaaliyeed.” Wuxuu xusay in kastoo Soomaaliya ay leedahay in ka badan 57 milyan oo xoolo ah, isla markaana ay xooluhu soo geliyeen dalka ku dhowaad $1 bilyan sanadkii tegay ee 2024. Haddana in abaaraha soo noqnoqda, cudurrada, nabaad guurka, iyo adeegyada daweynta oo liita ayaa weli caqabad weyn ku yihiin waxsoosaarka xoolaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay in nidaamka xoolo-raacatada loo beddelo mid casri ah oo adkeysi leh isla markaana la jaanqaadi kara Qorshaha Isbedelka Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), ayaa sheegay in barnaamijkan cusub uu yahay hal-abuur qaran oo ay Soomaaliya leedahay. “Waxaan rabnaa inaan hindisahan uga guurno mashaaricda degdeg ah, una gudubno maalgelinta mudada fog ee sahli karta in la gaaro horumar waara.”
Wasiir Hassan ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkan uu soo kordhin doono Xarumaha Horumarinta Xoolo-raacatada – oo ah xarumo bixin doona adeegyo isku-dhafan sida caafimaadka xoolaha, biyo, quud iyo calaf, iyo suuqyo – si loo dhiso adkaysiga, xoolo-raacatadana ay si firfircoon uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee dalka.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe), iyo wasiirro ka socday dowlad-goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qaybgalay munaasabadda – taas oo muujinaysa iskaashiga ballaaran ee lagu horumarinayo xoolaha iyo daaqa dalka.
Madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway iyo Etienne Peterschmitt (FAO), ayaa hoggaaminayey wafdiga QM, iyaga oo muujiyey in taageero buuxda ay la garab taagan yihiin himilada Soomaaliya. Barnaamijkan waxaa si wadajir u fulin doona hey’adaha kala ah FAO, WHO, IOM, ACF, iyo NRC.
Barnaamijka Mustaqbalka Xoolo-raacatada waa ballan-qaad qaran oo ku wajahan casriyeynta, xoojinta dhaqaalaha miyiga, iyo ilaalinta hab-nololeedka xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department