Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo xalay wacdaro ka dhigtay bandhiga waxqabadka Xukuumada Dan Qaran

Muqdisho 24/8/2024

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo si wada jir ah u horkacaayaan Wasiir Xasan Xuseen Eelay wasiirka wasaaradda, Wasiir Suleyman Cali wasiir dowlaha Wasaaradda, Wasiir Aadan Macalin wasiir ku xigeenka wasaarada, DG Maxamed Cumar agaasimaha guud ee wasaarada iyo dhamaan howl wadeenada wasaaradda ayaa xalay wacdaro ka dhigtay bandhiga waxqabadka Xukuumada Dan Qaran ee 2022 ilaa 2024.

Bandhigaan oo ka dhacay ka dhacay Royal Place ee Muqdisho ayaa kaso qeyb galeen madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheikh, Gudoomiyaha Baarlamanka mudane Sheikh Aadan Madoobe iyo Raiisul Wasaaradaha xukuumada Mudane Xamse Cabdi Bare iyo golahiisa wasiirada iyo taliyaasha laamaha amniga ee dalka iyo marti kale oo lagu casuumay.

Wasaaradda ayaa so bandhigtay waxqabad taasoo mudada yar ku gaartay guulo wax ku ool ah islamarkaan sare uqaaday dhaqaalaha wadanka maadaama wadanka ay ka dhoofeen 7 milyan neef sanadki tagay kaasoo ah lambarka ugu weyn ebid ay soomaali dhoofiso iyadoo ay kuso beegmeyso dadaalada wasaarada ay gelisay suuq uhelida xoolaha soomaaliya iyo ka war qabka caafimaadkooda iyadoo si joogta lo talaalo loona daaweyo xoolaha soomaaliya

iku soo wada duuboo Guulahaan ay so bandhigtay wasaaradda xanaanada xoolaha ,dhirta iyo daaqa ayaa kuso beegmaysa xili wasaarada ay howl gelisay Xarunta dhexe ee Sheybaarka xoolaha qaranka iyo Xarunta shahaado bixinta oo Digital ah.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department