Wasiirka Wasaaradda XXDH&D XFS mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) oo uu wehliyay wasiirka Dekadaha mudane C/llaahi Axmad Ilkajiir oo si wadajir ah xariga uga jaray xaruumo cusub oo

Muqdisho 20 Agoosto 2024:-
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) oo uu wehliyay wasiirka Dekadaha mudane C/llaahi Axmad Jaamac Ilkajiir ayaa maanta xariga ka jaray xaruumo cusub oo ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ka hirgelisay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay horey isla labada wasiir u dhagax dhigeyn dhismahooda.
Xaruumahaan oo kala ah sheybaarka dhexe ee Xoolaha, qeybta shahaado bixinta, xaruunta dhexe ee Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo inta aan laga dhoofin Dekadda ayaa waxaa dhismahooda maalgeliyay Bangiga horumarinta Afrika waxaana fulisay hey’adda Save the Children.
#Danqaran
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department