Muqdisho 18 Agoosto 2024:-
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Hassan Hussein Mohamed ( Eeley ) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo madaxa hay’adda cunadda aduunka ee FAO Mr Etienne Peterschmitt, waxeyna ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo dardargelin lahaa mashriicda kala duwan ee lagu horumarinayo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo madaxa FAO ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday Mashruuc cusub oo ku saabsan la qabsiga isbadalka Cimilada kaas oo hada ka shaqeeya todoba dal oo Afrika ah wax weyna u tari doona xoolo dhaqatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah maadaama mashruuca intiisa badan laga fulin doono Xuduudaha.
Wasiirka Xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa gabagabada kualnka u mahadceliyay madaxa FAO ee Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale xusay ineey Mashruucan oo ah mid muhiim ay ka faaiideysan doonan Boqol kun oo reer guuraa ah kuwaa oo ka dhaxli doonaa Shaqo abuur iyo Kobaca dhaqaale oo ay sameeyaan.