DG Mohamed Omar oo daahfuray shirka wadatashiga labada hindise sharciyeed ee baarista ilaalinta hilibka iyo caanaha

Muqdisho -27-April -2024
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Agaasime Mohamed Omar Nuur ayaa si rasmi Muqdisho uga furey shirka wadatashiga labada hindise sharciyeed ee baarista ilaalinta hilibka iyo caanaha.
Shirkan oo socon doona muddo ku Siman 4 maalin ayna kasoo qeyb galeen Wakiilo ka socdey Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada Dalka, qaar kamid ah Wasaaraddaha XFS ayaa inta uu socdo kasoo qeyb galayasha ay ka doodi doonaan sidoo kalena fikrado ka dhiiban doonaan sharciyada ilaalinta hilibka iyo Caanaha, Kaasoo gogol dhig u ah shuruuc Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Federaalka ay dooneyso in ay ugudbiso golaha Wasiirada XFS iyo golaha shacabka.
#Danqaran
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department