Muqdisho-5-Nov-2023
Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Agaasime Abdishakur Ali Elmi ayaa soo xirey Tababar ku saabsan falanqeynta cuntada iyo nafaqada.
Integrated Food Security Classification (IPC Level 1) oo ay soo qabanbisey Wasaaradda Xanaanada xoolaha XFS oo gacan ka helaysa Hayada Cuntada Adduunka FAO-FSNAU.
Tababarkaan oo socdey mudo shan maalin ah waxaa ka faaideystey qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda iyo wakiilo ka socdey dowlad goboleedyada Dalka.