Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Xasan Xuseen (Eelay) ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah DG Jubaland.
Wasiirka iyo wafdigooda marka ay gaareen Kismayo waxa ay kulan la qaateen Madaxweynaha DG Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islam oo ay ugu warbixiyeen socdaalkooda shaqo ee Magaalada Kismayo.
Wasiirka iyo wafdigooda waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka socotey DG Jubaland iyo shacab.