Munaasabad lagu xusayey Xuska Munaasabada Maalinta dhir beerista soomaaliyeed ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka

Muqdisho -17-Apriil-2023.

Munaasabad lagu xusayey Xuska Munaasabada Maalinta dhir beerista soomaaliyeed ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo Daaqa XFS waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda oo ugu horreeyo kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Federaalka Wasiir Adam Macalin, Xildhibano iyo marti sharaf kale.Madaxda Wasaaaradda Xanaanada Xoolaha Federaalka oo ugu horreeyo Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) oo fulinaya hindisaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Dr Hassan Sheikh Mohamud ee soomaaliya oo Cagaaran ayaa sanadkan waxa ay Wasaaradda talaaleysaa 1 milyan oo geed iyadoo isbuucaan gudihiisa Wasaaradda ay qorsheyneyso iney talaaasho 10 kun oo geed oo kamid ah halkaas milyan, si dalkoo dhan loo cagaareeyo.Munaasabado lagu weyneynayo maalintan ayey sidoo kale Wasaaradda waxa ay ku qabaneysaa Magaalooyinka katirsan dowlad goboleedyada dalka.#DanqaranDHAMMAAD

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department