Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa manta xilka kala wareegay Wasiirkii hore

Munaasibad balaaran oo uu ka qayb galay Ra’isal Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS isagoona xilka ugu kala wareejiyey.

Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada, hawl wadeenada Wasaaradda, la taliyeyaasha Wasaaradda, Xildhibaano & marti sharaf kale ayaa kasoo qayb galay, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Wasiir kuxigeenka & Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS.

Ugu horayntii Wasiirkii hore Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlayey waxqabadkiisa mudadii uu joogay Wasaaradda.

Waxyaabaha ugu waawayn ee uu sheegay waxaa kamid ah dib u furista dhoofka xoolaha, qorshaha dib u dayactirka Wasaaradda, Shaqybaarka & Goobaha lagu nasiyo xoolaha dhoofka sugaya ee Dekedda iyo Wada shaqaynta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS & Kuwa Maalmul goboleedyada Dalka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay inuu halkaa kasii wadi doono shaqada uuna imaan doono waxqabad muuqda inta uu joogo xilka, Waxa uu u mahadceliyey Wasiirkii hore iyo dhamaan madaxda & shaqaalaha Wasaaradda.

Ugu dambayntii Ra’isal Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey.

Waxa uu bogaadiyey shaqadii waxqabadkii Wasiirkii hore Maxamed Aadan Macalin (Somali) isgoona soodhoweyey Wasiirka cusub Xasan Xuseen Maxamed sheegayna inuu yahay dowlad yaqaan shaqada dowladda meel hoose kasoo bilaabay ilaa hadda oo laa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS

DHAMMAAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department