Saraakiil ka socota Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa DFS, ayaa maanta tagay Xarunta Ceelgaabta si xaalada xoolaha ku xareysan halkaas uga soo warbixiyaan.

Muqdisho, 07, Sep, 2022: Saraakiil ka socota Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa DFS, ayaa maanta tagay Xarunta Ceelgaabta Dowlada Hoose ee Xamar si xaalada xoolaha ku xareysan halkaas uga soo warbixiyaan.

Xirfadlayashaan caafimaad ayaa baarey caafimaadka xoolaha xarunta ku jirey. Sidoo kale waxa ay si gaar ah ugu kuur galeen badqabka xoolaha oo aan wax dhaaawac ah jirkooda ka muuqan. Talooyin caafimaad iyo daryeelka xuquuqda xoolaha ayey kula soo dar darmeen dhakhaatiirtan maamulka gacanta ku haya xoolahan. Way wadi doonaan wada shaqeyntan.

Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eelay ayaa tan iyo inta uu yimid xafiiska dadaalo ku bixinaya dardargelinta iyo xoojinta shaqada ay Wasaaradda uhayso shacab ka soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda,

MOFLR Media Office

Email: media@molfr.gov.so

web: https://www.molfr.gov.so/

Facebook: https://www.facebook.com/MoLFRFGS

Twitter: https://twitter.com/cmol

Twitter: https://twitter.com/cmol

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department