Kulan ka dhacay xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Guled Abdijalil Ali, ayaa guddoonsiiyey Shahaado Sharaf Marwo Andreia Fausto, oo ahayd Madaxa Nidaamyada Cuntada ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Adkeysiga ee Hay’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).
Shahaadadan ayaa lagu maamuusay kaalintii muuqatay iyo wada-shaqeyntii wax-ku-oolka ahayd ee ay la lahayd hay’adaha dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, intii ay haysay xilkaas.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyey Mudane Javed Yousifi, oo loo magacaabay Madaxa cusub ee Nidaamyada Cuntada ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Adkeysiga ee Hay’adda WFP.
Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Marwo Andreia Fausto dadaalkeedii, hoggaaminteedii iyo hal-abuuradii ay ku biirisay horumarinta barnaamijyada la xiriira adkeysiga iyo nidaamyada cuntada, isagoo u rajeeyey guul iyo mustaqbal ifaya. Sidoo kale, wuxuu si diirran u soo dhaweeyey Mudane Javed Yousifi, isaga oo u rajeeyey guul iyo wada-shaqeyn miro dhal ah oo sii xoojisa xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda WFP











