Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta &Daaqa ee XFS oo magaalada Muqdisho ku qabatay Aqoon-is-weydaarsi looga hadlayo Siyaasadaa Quudka Xoolaha iyo Horumarinta Istaraatijiyadda Calafka Xoolaha

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta &Daaqa ee XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Aqoon-is-weydaarsi soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo looga hadlayo Siyaasadaa Quudka Xoolaha iyo Horumarinta Istaraatijiyadda Calafka Xoolaha, iyadoo ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo Xafiiska Midowga Afrika ee Kheyraadka Xoolaha (AU-IBAR).
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Maxamed Saney Dalmar, oo si rasmi ah u furay shirka, ayaa ka hadlay ahmiyadda uu shirkan u leeyahay horumarinta siyaasadda quudka xoolaha iyo xoojinta qorsheyaasha lagu tayeynayo calafka si loo kordhiyo wax-soo-saarka xoolaha dalka.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa aan dowli ahayn, aqoonyahanno, shirkadaha ka shaqeeya soo-saarka iyo ganacsiga calafka xoolaha, iyo marti sharaf kale.
DHAMAAD
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department