Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay),ayaa magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay Madasha 1aad ee Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika, oo ay 13–17 Luulyo qabanayso Xarunta Midowga Afrika u qaabilsan Khayraadka Xoolaha (AU-IBAR).
Khudbad uu ka jeediyay kulanka Heer Wasiir ee Madasha wuxuu Wasiirku soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka samaysay abuurista jawi dhiirrigeliya maalgashiga xoolaha, xoojinta caafimaadka xoolaha, ballaarinta helitaanka suuqyada iyo ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Waxa uu si gaar ah uga hadlay Nidaamka Maaraynta Xogta Suuqyada Xoolaha (LIMS) iyo Nidaamka Aqoonsiga iyo Raadraaca Xoolaha Soomaaliya (SOMLITS), oo uu inaga taageerayo mashruuca HoA DRIVE. Nidaamyadani waxay xoojinayaan xogta suuqyada, raadraaca xoolaha, kalsoonida ganacsiga iyo helitaanka suuqyo qiimo sare leh.


