Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa ee JFS Mudane Hassan Hussein Mohamed(Eeley) oo ay wehliyaan DG, Agaaasime waaxeedyada iyo Lataliyaasha Wasaaradda oo hortagay Guddiga Horumarinta Reer miyiga, ee Gollaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa ee JFS Mudane Hassan Hussein Mohamed(Eeley) oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah Agaaasime waaxeedyada iyo Lataliyaasha Wasaaradda ayaa maanta hortagay Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer miyiga, Xoolaha iyo kheyraadka Badda ee Gollaha Shacabka.
Kulanka oo Ahaa kulan Su’aal weydiin iyo is xog wareysi ku saabsan waxyaabaha u qabsoomey Wasaaradda iyo Waxa ay Hiigsaneyso Sanadkan 2026.
Wasiirka ayaa ayaa Xubnaha Guddiga uga jawaabay Su’aalahii ay weydiiyeen isagoo si qoto dheer leh uga hadlay waxyaabaha ay ku guuleysatey Wasaaradda iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Sanadkaan, isagoo Sidoo kale wasiirka ka jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen dadka Soomaaliyeed ee Qoraal ahaan loosoo gudbiyey.
Waxaana lagu soo gebagabeeyey in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii sekterkaan waxsoosaarka ah loo hormarin lahaa.
Dhamaad
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department