Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed
ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan muhim ah kula qaatay Saraakiil Sar-Sare oo ka socday Hay’adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya.
Ujeedada Kulanka ayaa ahayd sidii Diirada loo saari lahaa Xaalada abaareed ee Dalka ka jirta, taas oo u baahan in la kordhiyo dadaalada lagu raadinayo Xaal deg deg ah oo lagu yareynaayo saameynta abaarta.
waxay sidoo kale isku afgarteen sidii labada dhinac ay kaalin uga geysan lahaayeen xaalada abaarta Dalka ka jirta gaar ahaan sidii loo bad baadin lahaa bulshada xoolo dhaqatada, kheyraadka, waxsoosaarka xoolaha iyo in la muujiyo in sector-ka waxsoosaarka xoolaha uu udub dhaxaad u yahay dedaalda gargaar iyo mida horumarineed ee ay Soomaaliya kala yeelaneyso saaxiibada caalamka iyo bangiyada maalgelineed ee caalamiga ah.
Xukuumadda Danqaran ayadoo dhanka kale wada soo saarida kheyraadka dalkeena, ayadoo ay ka go’an tahay sii xal waara loogu heli lahaa mushkilida bulshadeena heysata gaar ahaan sectorka livestock.








